Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Physical Address
304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu xilka u dhiibo Mike Waltz isagoo xilka ka qaadaya lataliyihiisa amniga qaranka bedelkeedana u magacaabay inuu noqdo safiirka Qaramada Midoobay.
Arintan ayaa timid ka dib iyada oo si weyn loo hadal hayay in Waltz iyo ku xigeenka la taliyaha amniga qaranka Alex Wong laga bedelay doorkooda.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inaan Mike Waltz u magacaabi doono safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay,” Trump ayaa ku soo qoray bartiisa bulshada ee Truth Social. “Mike Waltz wuxuu si adag u shaqeeyay si uu ugu horraysiiyo danaha Qarankeena, waan ogahay inuu sidaas oo kale ku samayn doono doorkiisa cusub.”
Trump ayaa sheegay in xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio uu taa beddelkeeda u guda gali doono doorka la taliyaha amniga qaranka isagoo sii wadaya doorkiisa dublamaasiga ugu sarreeya ee dalka.
“Si wada jir ah waxaan sii wadi doonaa inaan si hagar la’aan ah u dagaalanno si aan America, iyo aduunkaba uga dhigno mid nabad ah mar kale,” ayuu yiri Trump.
ilo-wareedyo aan la magacaabin ayaa u sheegay warbaahinta waaweyn ee Maraykanka in Waltz lagu qasbay inuu baxo, ka dib markii uu qaboojiyay xiriirkii isaga iyo Trump.