Physical Address

304 North Cardinal St.
Dorchester Center, MA 02124

Saalax Jaamac oo maanta xilla u kala wareejiyey wasiirada gaashandhiga

Ra”iisul wasaarw ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xilla u kala wareejiyey wasiirkii hore ee gaashaandhiga iyo Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.

Wasiirka cusub ee gaashaandhiga mudane Axmed Macalim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa yiri” Waxaa noo bilowdey hawl weyn oo kale oo qaranka loogu adeegayo, wasaaradda Difaacuna waa mid ka mid ah tiirarka qaranimadu ay ku taagan tahay, waa halka laga ilaaliyo madaxbanaanida, gobonimada, midnimada dalka iyo dawladnimadiisa”.

Wasiir Fiqi ayaa xusay inuu xoogga saarayo dirirta iyo jabinta Khawaarijta,xoojinta tayada iyo dhismaha ciidamada qaranka iyo hirgelinta siyaasaadka kala duwan ee la xiriira Difaaca.

Dhinaca kale wasiir Fiqi oo shacabkq codsi u diray ayaa yiri” Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwa dalkooda jecel, kuwa neceb Khawaarijta iyo wadaniyiinta ka codsanayaa in aan ka wada shaqayno oo garab weyn ka gaystaan sidii khawaarijta Loo baabi’in lahaa isla markaana ciidamadeena jihaadka ku jira Loo garab istaagi lahaa, noqdaan kuwo ku filan la wareegidda mas’uuliyadda amniga iyo difaaca dalka”.

Ugu dambayn wasiir fiqi ayaa mahadcin gaar ah u diray saaxiibada Soomaaliya ee garab taagan taakulada iyo sidii dalka looga baabi’in lahaa Khawaarijta