Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka Turkiga danjire Alper Aktaş, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Amniga Madaxtooyada Turkiga, Mudane Hasan Yıldırım, iyo saraakiil kale.
Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada. Wasiir Fiqi ayaa Turkiga uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah.
Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amni ee labada dal.
Dalka Turkiga oo ah sxbka koowad ee dadka Somaliyeed kadib markii uu usoo gurmaday xili ay abaar daran ka jirtay Somaliya sanadkii 2011, xiligaas wixi ka dambeeyay waxaa mar walba isi soo tarayaa tageerida Turkiga u siiyo dowlad walbo oo Somaliya ka jirta.