Howlgal lagu dilay xubno katirsan Al-Shabab oo ka dhacay degmada Xarardheere

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo lasoo bandhigay meydadkooda.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Casayr Ibraahim Mataan ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howlgalkaas ay ka fuliyeen aagga deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, howlgalkaan ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Dadka reer guuraaga ah ee aagga deegaanka Jowle ku nool ayaa ciidanka lasoo wadaagay xogta kooxda Khawaarijta ah ee howlgalkaas lagu dilay, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku hayey dadka deegaanka.

Wararkan ayaa ah mid aan ka heleyso dhanka dowlada mana jiro warar ka madax banaan oo aan ka heleyso goobya uu dagaalka ka dhacay