Dowlad goboleedka Puntland oo wax laga waydiyay jiritaan xog lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegysay diyaarado dagaal oo ay soo iibsatay Puntland ayaa waxa uu sheegay in warkaasi uu yahay dhab.
“Helikabtaro dagaal oo ambalaasyo iyo kuwa wax duqeynayayba isugu jira oo firxadka … duqeynaya, howlahaas oo dhan diyaarado fulinaya ayaa la keenay.” ayuu yidhi Maxamuud Caydiid DirirWasiirka warfaafinta ee puntland.
Wasiirku ayaa sheegay in Puntland ay awooddo in ay diyaarado iibsato “qanina tahay”.
Wuxuu sheegay in diyaaradahani yahiin labo nooc; kuwo dagaal iyo kuwa gargaarka degdegga ah gaysta, mase uusan xusin tirada rasmiga ah ee diyaaradahaan.
“Puntland… way isku tashatay. Dowlad iyo shacaba [howlgalka] intaas le’eg oo ilaa bishii January soo socday oo maanta maraya bishii shanaad keli bay ku ahayd,” ayuu raaciayay hadalkiisa.
Wuxuu sidoo kale xusay in ay jiraan saaxiibbo caalami ah oo ka qayb qaatay howlgalka, isaga oo xusaya wasiirku dowladdaha Maraykanka iyo Imaaraadka Carabta in ay taageereen dagaalka ka dhanka ah urur ISIS.
Misaaniyadda Puntland ee sanadka 2025 ayaa ahayd lacag dhan $466,840,762 oo doolara Maraykanka ah, taas oo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, iyadoo la sheegay in miisaaniyaddani korodhay boqolkiiba 18 % marka loo eego sanadkii ka horeeyay.
Wareysiga wasiirka waxaa la yeeshay BBC-da