Macalinkii hore ee xulka qaranka Sweden Janne Andersson ayaa waqtigiisa u huri doona sidii uu gargaar deg deg ah u gaarsiin lahaa dalka Ukraine isaga oo kaashanaya Hay’adda Blue Light Foundation sida ay sheegtay warbaahinta Sweden.
Andersson ayaa Sweden ku hogaamiyay wareega 8 dhamaadka koobka aduunka 2018 laakiin waxa uu soo afjaray todobo sano oo uu macalin u ahaa November 2023 kadib markii uu xulka u soo bixi wayday koobka qaramada yurub ee ka dhacayay Germany.
Bishii April ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay shaqada tababarka waxaana uu haatan waqtigiisa u isticmaali doonaa inuu taageero dadka reer Ukraine maadaama ay u ku jiraan sanadkii afaraad ee duulaanka Ruushka.
“Waan iskaga tagay shaqada tababarenimo ee kubbadda cagta sidaas darteedna waxa aan haystaa wakhti badan oo noloshayda ah waxaan doonayaa in aan wakhtigaas uga faa’iidaysto waxyaabo wanaagsan,” ayuu Andersson ku yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray.
“In baabuurta degdega ah loo wado Ukraine si mutadawacnimo ah iyo in aan caawiyo dadka reer Ukraine ee ku sugan halkaas waxay i dareesineysaa runtii mid wanaagsan,” 62-jirka ayaa ku daray.
Gaadiidka iyo qalabka lagu deeqay ayaa qeyb ka ah xirmo gargaar oo ballaaran,waxaana lagu qiimeeyay ku dhawaad 30 milyan SEK oo u dhiganta($3.05 milyan) iyadoo lagu wado in wareejinta deeqda ay ka dhacdo magaalada galbeedka Ukraine ee Lviv.