Hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Ivory Coast ayaa sheegay inuu iska casilayo xilka hogaamiyaha xisbiga balse uu weli hogaamin doono dagaalka lagu doonayo in lagu guuleysto doorashada kadib markii laga mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashada madaxtinimada ee dhici doonta bisha October.
“Aniga oo ka fakaraya danta xisbiga, waxaan go’aansaday in aan xilkayga madaxweynaha xisbiga gacmaha u geliyo hawl-wadeennada,” ayuu Thiam ku yiri hadal uu ku daabacay baraha bulshada maanta.
“Go’aankani ma beddelayo ballan-qaadkii aan sameeyay Diisambar 2023 ee ahaa inaan shakhsi ahaan xisbigayaga ku hoggaamiyo guusha Oktoobar 2025.”
Madaxweyne Alassane Ouattara oo 83 jir ah oo xukunka hayay tan iyo 2011,ayaan weli sheegin inuu qorsheynayo inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweyne balse wuxuu sheegay inuu aad u danaynayo inuu u adeego dalkiisa.
Ololaha Tidjane Thiam ee xilka madaxtinimo ee dalka ku yaala galbeedka Afrika ayaa waxaa hareeyay loolan ku saabsan dhalashadiisa iyadoo musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha aan loo ogolayn inay heystaan labo dhalasho.
Thiam waxa uu ku dhashay Ivory Coast waxa uuna iska celiyay baasaboorka Faransiiska bishii March si ay ugu suurtagasho in uu u tartamo jagada ugu sareysa dalka. Si kastaba ha ahaatee maxkamad ku taal Abidjan ayaa ka saartay liiska doorashada bishii hore iyadoo sheegtay in siyaasiga 62-jirka ah uu lumiyay dhalashada Ivory Coast markii uu qaatay dhalashada Faransiiska 1987-kii.