Ugu yaraan 30 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay weerareen dad socdaalayay gobolka Imo ee koonfur-bari Nigeria,sida ay sheegtay Amnesty International.
NGO-ga xuquuqul insaanka ayaa sheegay Jimcihii in in ka badan 20 baabuur oo kuwa rakaabka ah iyo kuwa xamuulka ah la gubay intii lagu jiray weerakar oo ka dhacay wadada Okigwe-Owerri.
Kooxda weerarka geysatay ayaa looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda la mamnuucay ee gooni u goosadka, dadka asaliga ah ee Biafra (IPOB), ayay tiri Amnesty.
“Weerarku wuxuu muujinayaa ixtiraam la’aan iyo xushmad la’aanta loo qabo xurmada nolosha bini’aadamka. Nimanka hubaysan ayaa xiray wadada weyn ee Okigwe-Owerri iyo aagagga Umuna ee hoos yimaada Onuimo LGA waxay sameeyeen rabshado ay ku muujinayaan isla xisaabtan la’aan,” Amnesty ayaa sidaas ku qortay bogeeda X.
“Masuuliyiinta Nigeria waa in ay si deg deg ah oo hufan u baaraan weerarkan ayna xaqiijiyaan in dambiilayaasha la horkeeno cadaaladda.” ayay raacisay Amnesty.
Afhayeenka Booliska magalada Imo, Henry Okoye ayaa xaqiijiyay in weerarka uu dhacay saacadihii hore ee maalinta Khamiista balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo tirada dhimashada.
Jimcihii, Okoye ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in mid ka mid ah raggii dilka geystay uu boolisku dilay.