Kooxda Al-Hilaal oo macalinkeedi reer Portugal ee Jorge Jesus ceyrisay sida ay kooxdu ku dhawaaqday Jimcihii

Kooxda Saudi Pro League ee Al-Hilaal ayeey kala tagayaan macalinka reer Portugal ee Jorge Jesus, sida ay kooxdu ku dhawaaqday Jimcihii.
Waxay ku soo beegantay maalmo yar ka dib markii Al-Hilaal laga saaray semi-finalka Asian Champions League Elite ka dib markii ay guuldarro 3-1 ah ka soo gaartay Al-Ahli.

“Guddiga Maamulka Shirkadda Al-Hilaal Club waxay kula heshiiyeen maamulaha Boortaqiiska ee kooxda koowaad Jorge Jesus inuu joojiyo xiriirka qandaraaska ee u dhexeeya,” ayeey kooxda Al-Hilaal ku ytri hadal ay soo dhigaytay barteeda X.


” Dhanka kale guddiga ayaa go’aansaday inuu u magacaabo tababaraha Mohammed Al-Shalhoub si uu u hogaamiyo kooxda koowaad,” ayay kooxdu ku dartay.