Xiddiga Kooxda Barcelona ee Kounde oo ku dhaw in uu dhaawac muruqa ah ku seego kulamo muhiim ah

Daafaca dambeedka midig ee Barcelona Jules Kounde ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii semi-finalka Champions League ay la galeen Inter Milan kooxda LaLiga ayaa Khamiistii sheegtay dharbaaxo ku dhacday kooxda Hansi Flick.

Kounde ayaa lagu qasbay inuu soo baxo dhamaadkii qeybta hore ee barbaraha 3-3 ee lugtii hore ee Arbacada waxaana lagu bedelay Eric Garcia.

“Tijaabooyin lagu sameeyay xiddiga kooxda Jules Kounde saaka waxay muujiyeen inuu dhaawac muruqa ah ka qabo lugta bidix,” ayay Barcelona ku tidhi warbixin ay soo saartay.

Warbaahinta Spain ayaa soo warisay in xiddiga heerka caalami ee dalka France uu garoomada ka maqnaan karo muddo seddex isbuuc ah taasoo ku qasbi doonta inuu fariisto lugta labaad ee Milan iyo sidoo kale kulanka El Clasico ee Real Madrid 11-ka May.


26 jirkaan oo dhaliyay goolkii guusha ee waqtigii dheeriga ahaa oo ay ku garaaceen Real Madrid finalkii Copa del Rey isbuucii hore ayaa ciyaaray daqiiqado ka badan ciyaaryahan kasta oo Barca ah ee horiyaal LaLiga iyo Champions League xilli ciyaareedkan.